Xukuumadda Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Jadwalka Doorashooyinka, Baaqna u Dirtay Dhinacyada Siyaasadda

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumaddu waxay sheegtay in jadwalkani yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka, iyadoo muujisay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyinka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Xukuumadda ayaa lagu xusay in muddadii 18-ka bilood ahayd ee la soo dhaafay ay Xukuumaddu gogol wadatashi iyo wada-xaajood u fidisay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliyeed, si looga wada hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.

Xukuumaddu waxay caddeysay in wadatashiyada iyo wada-xaajoodyadu ay sii socon doonaan, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay in dadaalladaasi miro-dhal noqdaan, isla markaana ay horseedaan is-afgarad ballaaran oo ay gaaraan dhinacyada siyaasadda dalka.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaantay in soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wadatashigu ay yihiin laba dadaal oo is-dhammeystiraya, kuwaas oo ay sheegtay inay ka tarjumayaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta midnimada qaranka iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Xukuumaddu waxay baaq u dirtay dhammaan dhinacyada siyaasadda, iyadoo ugu yeertay inay si niyad-wanaag leh oo mas’uuliyad qaran ku dheehan tahay uga qeyb qaataan wadatashiyada socda, isla markaana ay muujiyaan wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Waxay sidoo kale ku boorrisay dhinacyada siyaasadda inay ka wada shaqeeyaan qabashada doorashooyin nabdoon oo xoojiya kalsoonida shacabka, ilaalinayana xasilloonida dalka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya uu yahay arrin muhiim u ah jihada siyaasadeed ee dalka, isla markaana wadatashiyada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda ay door ku yeelan karaan sidii loo gaari lahaa is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay inay sii wadi doonto dadaallada wadatashiga, iyadoo dhinacyada siyaasadda loogu baaqay inay ka shaqeeyaan xalal lagu xaqiijinayo doorashooyin nabdoon iyo xasillooni siyaasadeed oo dalka u horseeda horumar waara.