Munaasabad Ballaaran oo lagu xusaayo maalinta Raadiyaha Adduunka iyo sidoo kale Sanadguuradii Shanaad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay dalladda Warbaahinta ee SOMA ayaa maanta ka socota Magaalada Muqdisho .
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Qaar ka mid ah Bahda Warbaahinta ee ku sugan Muqdisho iyo ururada ka shaqeeya arimaha Saxaafadda.
Maalinta Raadiyaha ayaa  ah Maalin ku weyn adduunka , waxaana Raadiyeyaasho ay ka mid yihiin kuwo sida aadka ah looga dhageysto Adduunka.
Munaabadaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya dad mudda dheer kasoo shaqeynayay warbaahinta Soomaalida .
13-kii bishii November ee sanadkii 2011 ayaa hay’adda qaramada midoobay ee UNESCO waxa ay u aqoonsatay 13-ka bisha February in ay tahay maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha,ka dib markii ay soo jeedisay boqortooyada dalka Spain