Xuska sanad guurada milateriga Somaliland oo sanadkaan baaqday.

Waxaa gebi ahaanba baaqatay munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Milateriga Somaliland, oo sanad kasta lagu qaban jiray gudaha Somaliland.

Sanad-guurada sanadkaan ayaa ku beegnayd 2-dii bishaan, taasi oo keentay in la isweydiiyo sababta ay xukuumadda Somaliland u qaban xuskaan, oo ay ku soo bandhigi jirtay cududeeda ciidan.

Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa xukuumadda ku eedeeyay in baaqashada munaasabadda ay tahay fashil ku yimid xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Marka laga yimaado hadalka Buuni, xukuumadda Somaliland wax faah-faahin kama bixin sababta ay u baaqatay munaasabadda xuska ciidanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweyne Muuse Biixi uusan sanadkaan wax hambalyo u dirin ciidanka, oo la xiriirta xuska sannad-guuradooda.