[11:33 am, 12/12/2023] Mohamed SILVA: Ciidamadaan ayaana qayb ka noqon doona dagaalka ka dhankaa kooxda al-shabaab waxaana ay qayb kayihiin ciidamo badan oo Dowlada ay gaysay gobolka mudug oo howlgalo ka dhan ah kooxda AL-SHABAAB AY kasocdaan
[11:45 am, 12/12/2023] Mohamed SILVA: Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in markab ganacsi uu haleelay gantaal nooca loo yaqaano cruise-ka oo laga soo riday dhanka Yemen, gaarahaan dhulka ay maamulaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto dowladda Iran.
Wararka soo baxaya ee laga helayo dhacdadaan ayaa sheegaya in markabka laga leeyahay dalka Norway.
Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaan oo dhacay Isniintii uu sababy dab ka kacay markabka Strinda, xilli uu marayey marinka Bab-el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo gacanka Cadmeed. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka sida la wariyay. Mareykanka ayaana gargaar u fidiyay marka gantaalka lagu dhuftay.
Dhinaca kale, hay’ad British ah oo qaabilsan badaha ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan markab lagu amray inuu baddalo jikii uu mari lahaa balse lama faahfaahin. Ma cadda in arrintaan ay xiriir la leedahay weerarka.
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay beegsan doonaan dhammaan maraakiibta ku wajahan waqooyiga Israa’iil, waxayna uga digeen shirkadaha maraakiibta caalamiga ah inay la macaamilaan dekedaha Israa’iil.
Arintaan ayaa xariir la leh weerarada gardaradaa ee israaiil ku qaaday marinka GAZA kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo falastiiniyiin ah kuwaasi oo ay kujiraan in badan hal kun oo xaruur ah horay xuutiyiinta Dalka Yemen Ayaa u Afduubtay Markab u Shiraacnaa Dhanka Israaiil kaasi oo Ciidmada Xuutiyiinta Yemen ay Afduubteen .