xXaafiiska eer illaaliyaha qaranka oo Maxkada G/Banaadir horgeyey Shabakad abaabulan iyo Ninkii madaxda u ahaay.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay shabakad abaabulan oo ku eedeysan sameynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa sheegtay in howlgal lagu soo qabtay ninkii madaxda u ahaa iyo xubno kale oo la shaqeenayay oo katirsanaa shabakadan ka ganacsata maan-dooriyaha gaar ahaan xashiishka iyo calaqa.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa digniin adag loogu diray kooxaha wali ku mashquulsan ka ganacsiga iyo sameynta maanka-dooriya ,iyadoona shacabka laga codsaday soo gudbiyaan xogta kooxahan ka ganacsada maan-dooriyaha.