Yahuuda oo weeraro dhanka Cirka ah ka geysatay Marinka Geza ee Falastiin.

Yahuuda ayaa dhowr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay xerada qaxootiga ee Jenin ku dileen sagaal falastiiniyiin ah  oo ay ku jirtay haweeney da’ ah.

Ilo Wareedyo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Marinka Qaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in ay dhaceen 15 weerar saacadihii hore ee maanta.

Goob joogayaal iyo warbaahinta gudaha ee sugan Falastiin ayaa shaaciyey in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay laba gantaal ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza,kadib  diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyay afar qarax oo waaweyn.

Ma jiraan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha si saxda ah uga dhashay, waxaana jira xoogaa degnaan taxaddar leh  oo ku soo laabatay Gaza subaxnimadii maanta,  ayuu yiri weriyaha Aljazeera Maram Humaid.

Weerarada Israa’iil ayaa daba socday ka dib markii laba gantaal lagu soo riday Israa’iil saqdii dhexe ee xalay.