Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Kulanka Eibar Ee Horyaalka La Liga Dalka Spain, Yaa Ka Maqan Yaase Kusoo Baxay?.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Eibar ay maanta kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga mid ka mid ah kulamada 28-aad ee xili ciyaareedkan.

Real Madrid oo kaalinta 3-aad ku jirta ayaa waxay maanta marti ugu noqon doontaa kooxda Eibar oo iyadana fadhida booska kaalinta 8-aad kulan ka tirsan kulamada 28-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain ee xili ciyaareedkan, Waxayna Los Blancos markan bilaawday inay loolan adag u gasho booska kaalinta labaad ay kali ku tahay kooxda Atlético Madrid.

Zinedine Zidane ayaana kusoo darin liiska uu soo saaray dhamaan xidigaha kala ah Dani Ceballos, Archraf Hakimi, Vallejo, B.Mayoral iyo Marco Llorente.

Hadaba Liiska Real Madrid Ee Kulanka Eibar Ee Horyaalka La Liga:

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Kiko Casill

Difaacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Theo Hernandez

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modric,Casemiro, Marco Alensio, Isco, Kovacic.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazguez