Zinedine Zidane Oo Tilmaamay In Maqnaanshiyaha Neymar Jr Uusan Saameyn Ku Yeelan Doonin Kooxda PSG

Tababaraha kooxda Real Madrid ee reer France Zinedine Zidane ayaa sheegay inuusan ka fekereynin kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League ay kula ciyaari doonaan dhigooda Paris St Germain, isagoo sheegay in waxa kalita uu haatan ka fikirayo ay tahay kulanka Sabtida ay Getafe kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Kooxaha Real Madrid iyo Getafe ayaa bari kulan xiiso badan ku ciyaari doona garoonka Santiago Bernabéu, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 27-aad ee horyaalka La Liga, kahor inta aysan Talaadada marti u noqon kooxda Paris Saint-Germain.

 

Zinedine Zidane ayaa wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka bari ee Getafe wuxuuna yidhi: “Waxaan guuldaro kala kulanay Espanyol kulankii lasoo dhaafay, laakiin tani waa wax lagu dhex arko kubada cagta”.

Macalinka reer France ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan ka fekereynaa kulanka berri, waxaan isku dayi doonaa inaan qaadano qaab ciyaareed wanaagsan, waa wax iska caadi ah ciyaartoyda inay ka fekeraan kulanka weyn ee ay wajahayaan PSG, laakiin muhimadeena haatan waa kulanka beri”.

Zidane oo ka hadlayay sida uu kaga xun yahay in Neymar Jr uu ka maqnaado kulanka ay booqan doonaan PSG isbuuca soo aadan ayaa wuxuu yidhi: “Waa nasiib darro in uu dhaawacan yahay, lakiin Paris Saint-Germain waxay heysataa koox aad u xoogan, waxaan hubaa in badalkiisa uu lahaan doono isla tayada Neymar Jr, kulanka ma noqon doono mid fudud”.

Macalinka Rea Madrid oo ka hadlayay xaalada ciyaartoyda ka dhaawacan ayaa wuxuu yidhi: “Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in Marcelo uu dib noogu soo laabtay, laakiin Luka Modrić iyo Toni Kroos ma garaneyno xiliga ay soo laaban doonaan, waxaan la socon doonaa xaaladooda maalmaha soo aadan”.

Si kastaba Zinedine Zidane ayaa wuxuu nasiino siiyay xidiga koowaad ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo kulankii lasoo dhaafay ay horyaalka La Liga kula ciyaareen kooxda Espanyol, si uu ugu diyaar garoobo kulanka lugta labaad wareega 16-ka UEFA Champions League ay kula ciyaari doonaan Paris Saint-Germain.