𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐈𝐒𝐊𝐔𝐔𝐋 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐔𝐍 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐎𝐎 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐇𝐈𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐃𝐄𝐆𝐌𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐀𝐒𝐁𝐀𝐀𝐋𝐋𝐄𝐘

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hoggaamiyey munaasabad lagu daahfurayay Iskuul Nidaami ah oo leh Hoy (Boarding School), kaas oo loogu talagalay waxbarashada, daryeelka iyo horumarinta carruurta, gaar ahaan agoonta iyo kuwa u baahan taageerada bulshada.
Hirgelinta Mashruuca xarunta iyo Iskuulka oo xambaarsan aragti bini’aadannimo oo fog ayaa door weyn ka qaadan doona: Bixinta waxbarasho tayo leh oo nidaamsan, Hoy iyo deegaan ammaan ah oo ardaydu ku barbaaraan, Adeegyo bulsho iyo daryeel dhameystiran, iyo Kobcinta anshaxa, aqoonta iyo kartida ardayda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u taageerayo mashaariicda noocan ah, isaga oo tilmaamay in waxbarashada iyo daryeelka carruurta ay yihiin udub-dhexaadka horumarka iyo xasilloonida mustaqbalka caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha hirgeliyay mashruucan ayaa ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan dadaallada lagu taageerayo waxbarashada, agoonta iyo adeegyada bulshada, si loo helo jiil aqoon leh, anshax suubban, oo qayb qaata dib-u-dhiska dalka