GudddoomΔ±yaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehlΔ±yaan XΔ±ldhΔ±baan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo TalΔ±yaha CΔ±Δ±danka Xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqday cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor ee ku sugan xerada Jabad Godane Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Booqashadaan oo qeyb ka ah qorshaha Duqa Muqdisho ee dhΔ±Δ±ragelΔ±nta iyo taageerida ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta, ayaa waxa ay halkaasi warbixino ugu dhageysteen saraakiisha cΔ±Δ±danka kumandooska gorgor ee ku sugan xerada Jabad Godane, kuwaasi oo ka warbixiyay xaalada ciidamada iyo howlgallada ee ka wadaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
GuddoomΔ±yaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Δ±yo TalΔ±yaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ku amaanay cΔ±Δ±danka gorgor sΔ±da ay ugu dhabar adeegeen, isla markaana ay ugu diyaarsan yihiin dΔ±faaca dalka iyo dadka soomaaliyeed, iyagoona dhankooda balan qaaday Δ±n ay la garab taagan yihiin wax weliba oo taageero ah.