Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa Talaadada maanta ah dhagax-dhigay dhismaha suuq casri ah oo laga hirgelinayo degmada Heliwaa. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha istiraatiijiga ah ee maamulka gobolka ee taageerada horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa xusay in suuqan cusub uu noqon doono mid casri ah, adeegyo tayo sare leh, ganacsatada siinaya fursad horumarineed, islamarkaana uu sare u qaadi doono dhaqaalaha deegaanka.
Waxa uu bulshada iyo ganacsatada ku boorriyay in ay ilaashadaan mashruucan, si loo xaqiijiyo in uu noqdo mid waara, la jaanqaada baahida ganacsi iyo adeegyada bulshada.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, ganacsato, iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo muujiyay sida uu mashruucani muhiim ugu yahay horumarinta degmada Heliwaa iyo fursadaha shaqo ee bulshada deegaanka.
Suuqa cusub ee Heliwaa ayaa la filayaa inuu noqdo rug ganacsi oo muhiim ah, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu sii wadi doono taageeridda mashaariicda horumarineed ee kan la midka ah, si’ i loo gaaro horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan bulshada ku dhaqan caasimadda Soomaaliya.