Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddo iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso Xukuumadda DanQaran.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu ugu horreyn xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay laba (2) kiiloomitir oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgeliyey Degmada Dayniile. Waxa uu Mudane Xamsa uga mahadceliyey maamulka iyo bulshada caasimadda hirgelinta waddadan muhiimka ah, oo fududeyn doonta isku socodka bulshada, gaar ahaan dadka u kala safra Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana door ka qaadan doonta dib-u-soo kabashada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu xusay in waddooyinku aysan ahayn oo keliya jidad la maro, balse ay astaan u yihiin horumar, bilic iyo dib-u-dhis qaran. Isaga oo bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caasimadda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay maanta ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay, isla markaana ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku nool caasimadda kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, maadaama ay tahay saldhigga horumar kasta.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda magaalada, isla markaana bulshada la baro laguna dhaqmo shuruucda isticmaalka waddooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada iyo kala dambeynta.
๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ, ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ต๐ ๐๐ฎ๐
๐ฎ ๐๐ ๐
๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ด๐ด๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐ท๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ ๐
๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ ๐ฐ๐๐๐๐ฏ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ, oo loo dhisay qaab casri ah, una dhiganta heerarka caalamiga ah.
Waxa uu ku ammaanay Wasiirka yo dhammaan shaqaalaha dadaalka ay geliyeen hirgelinta xaruntan. Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan wax-soo-saarka gudaha, si Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah, loogana maarmo waxyaabaha dibadda laga soo dejiyo ee dalka gudihiisa laga soo saari karo.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in beeruhu ay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, isla markaana xorriyadda dhabta ahi aysan suurtagal noqon karin haddii dalku ku tiirsanaado cunnada dibadda laga keeno.
๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐
๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐๐ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐ซ๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ ๐ค๐๐ฟ๐ฏ๐ฎ-๐ท๐ผ๐ผ๐ด๐๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo u adeegto qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool shanta qaaradood, kuwaas oo lagu qiyaaso in ka badan afar (4) milyan oo qof.
Waxa uu sheegay in xaruntani fududeyn doonto xiriirka dowladda iyo qurba-joogta, kana jawaabi doonto baahiyahooda iyo cabashooyinkooda, iyada oo la hirgelinayo Siyaasadda Qaranka ee Qurba-joogta oo ay hore u ansixisay Xukuumadda DanQaran.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay qurba-joogta Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo xusay inay mar walba garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muujiyeen adkaysi, ilaalinta diinta, dhaqanka iyo afka hooyo meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
๐จ๐ด๐ ๐ฑ๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐๐ป, ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ต๐ ๐๐ฎ๐
๐ฎ ๐๐ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ด๐ฎ๐
-๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ฎ๐ ๐ฑ๐ถ๐ฏ-๐-๐ฑ๐ต๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐
๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ฒ๐
๐ฒ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ, ๐๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐พ๐ฎ, ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ ๐๐ถ๐น๐บ๐ถ-๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐๐๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ. Waxa uu tilmaamay in xarumahaasi door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in cilmi-baaristu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo tayada xoolaha Soomaaliyeed, isaga oo rajo ka muujiyey in mashruucan lagu dhammaystiri doono muddo dhow.
Furitaanka mashaariicda cusub ee la furay, qaarna la dhagax-dhigay, ayaa ku soo beegmay Soomaaliya oo u dabaaldagaysa sanad-guuradii 66-aad ee Xornimada dalkeenna, taas oo sanadkan lagu muujinayey horumar iyo isbeddel muuqda oo Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay.
Home Wararka Maanta ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ซ๐ข๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ง