Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar iyo raashin loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
Safiirka Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa xusay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha, iyo ka hortagga musiibooyinka kale ee dalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah, isagoo sheegay in deeqdan lagu caawin doono dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka kuwaas oo ay saameysay abaarta, gaar ahaan 45 degmo oo xaalad degdeg ah ku sugan. Wuxuu sidoo kale xusay in taageeradan ay muhiim u tahay ilaalinta nolosha dadka abaaraha saameeyeen, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo qoysaska nugul.